Lyrics by Ayamina Click show text Calmasho by Duniya Axmed Baraxow Jaceylku nafuu cusleeyeey Kalgacal caarcaariyoo Inteey calmashadu ku heysey Cindiga meesheey ku heyso Dharaarey uga cadahayee Cadceedi soo baxdiyoo Caweesinka aan xaroon Dareenka caraabiyoo Cidladu wehel ay u tahay Nasiibkaa ku caawiiyee Waxey cawadeydu tahay Hadii cirsigaan lahaa Nabsigu isoo celshoo Calafku na wadaajiyee
Jaceylku nafu cadibey Cishqiga uu caabiyoo Intuu calan saarey dooqu Caqliga uu yahay mid maqanoo Cirka sare looga heesey Qalbiga cashaqa ku beermiyo Caloolyoowgiyo xanuun Inta la calaacashoo Cid kale aan aamineyn Nasiibkaa ku caawiiyeey Waxey cawadeydu tahay Hadii cirsigaan lahaa Nabsigu isoo celshoo Calafku na wadaajiyee
Amiin (Apologies for my poor attempt but hopefully y'all got the gist) Enjoy!
|