Kulmis Media » Articles » Tips » Fahan qofka beenalaha, kuna qabo beentiisa!



Listen song Fahan qofka beenalaha, kuna qabo beentiisa!
Author
Faisal
Comments
Comments (5)
Views
Views: 5367
Date
1-08-2009, 10:54
Posted in: Articles » Tips

Fahan qofka beenalaha, kuna qabo beentiisa!

Fahan qofka beenalaha, kuna qabo beentiisa!

Waxaa jira qof beenale ah oo aan beentiisa la dareemi karin, loona maleeya wax kasta uu kuu sheegaayo in ay run yihiin. Waxaa kale oo jira beenaale doqon ah, oo beentiisa xad dhaaf noqotey, wax kastana been ka sheega. qof kastana mudo gaaban ku dareemi karo beentiisa.. doqonkaan ama doqontaan qof kasta wey taqaan.. magaciisana waa ben hawaas, (compulsive liar) beentiisana ama waa liisku maaweeliyaa ama waa lagu maadsadaa.
Waxaa jira qof beenale ah oo aan beentiisa la dareemi karin, loona maleeyo wax kasta uu kuu sheegaayo in ay run yihiin. Waxaa kale oo jira beenaale doqon ah, oo beentiisa xad dhaaf noqotey, wax kastana been ka sheega. qof kastana mudo gaaban ku dareemi karo beentiisa.. doqonkaan ama doqontaan qof kasta wey taqaan.. magaciisana waa ben hawaas, (compulsive liar) beentiisana ama waa liisku maaweeliyaa ama waa lagu maadsadaa.

Ben hawaas beentiisa dhibaato ma noo geysan karto, sababtoo ah aqoon ayaan u leenahay.. laakin ka waran qofka aan bentiisa la dareemi Karin?

In ay sheegan dadka been waxaa ku kalifta siyaabo fara badan, waxaa arkeysaa qof waalidkii been u sheegaayo si uu naftiisa uga badbaadiyo shar xaga waalidkiis uga imaan karta, waxaa arkeysaa faarax xaaskiisa been u sheegaayo si uu niyada ugu dejiyo xaaskiisa. Hadii aanu sii wadno liiska wuu sii dheeraanaayaa, laakin ujeedada guud waxa ay tahay, qf kasta oo been shaagaayo inta aanan doqonka ka aheyn, u jeedo ayuu wataa ama sharaftiisa ha ku ilaaliyo ama dhibaato hadii uu runta sheego u imaan laheyd ha iskaaga celiyee.

Waxaa haboon in aad u noqoto dhageyste fiican qofka aad uga shakisan tahay been in uu kuu sheego, ha la murmin oo fursad fiican u sii, si beentiisa ama runtiisa aad si wanaagsan u fahanto. Weydii suaalo ku saabsan sheekada uu qofkaasi kuu haayo. Si fiican u dhageso ilaa aad ka hesho daliilo cad cad oo aad ku tilmaami karto qofkaasi beenaale.

Astaamaha beenaalaha waxaa ka mid ah;

Caadi ahaan qofka been kuu sheegaayo wejigaada ama indhahaada ma fiirin karo oo meelo kale ayuu eegaa ama hoos, laakin waxaa jira dad khabiir ku ah beenta oo indhaha kaa eegaayo. Kaas waa halis, taxadar gooni ah ayuuna u baahan yahay.

Qofka aad uga shakisan tahay in uu been kuu sheego weydii suaasha aad rabto in uu si sax ah kuugu sheego, hadii qofkaasi uu madaxa, qoorta ama dhehaha xoq xoqdo ama sal salaaxo, waxba ma isku haayo, yacni waxaa suuro gal ah in uu been kuu sheegaayo.

Qofka aad been uga shakisan tahay weydii suaal aad hore u weydiisay ama wax ka sual sheeko uu mar kuu sheegay, hadii sheekadasi ama suaashaasi qilaaf u dhaxeeyo, qofkaasi wa beenaale, waayo beenaalaha beentiisa ayuu been kale ku kabaa.. yacni qofka beenaalaha ah xasuus fiican uma laha beentii uu hore u sheegay, waxa kaliya uu rabo waa in uu is dhaafiyaa waxa lagu heestaa jawiga hada taagan..

Hadii qofka beenaalaha aad suaal weydiisaa, si uu u helo furdad uu uga fiirsado jawaabteeda suaashaas ayuu kuugu soo celyaa.. Tusaale.. Waxaa weydiisay xaaskaada meeshi ay xalay ku soo daahdey.. Jawaabteeda inta aysan ku siin si ay ugu fiirsato waxay ay kuu gu jawaabi laheyd .. waxay bilaabeysaa hadalkeda.. Ïntee ku soo daahday.. waxa ka wadaa.. !" .. "Soow kuuma sheegin in aan aadaayo naagta deriska!"


Iska ilali beenaalaha xitaa hadii qofkaasi ooynaayo.. waayo qofka beenalaha ah wax kasta waa laga fishaa wax kastana wuu sameeyaa si uu beentiisa iskugu badbaadiyo, wax kasta ayey isku dayaan si ay kaaga dhaadhiciyan in ay run kuu sheegaayaan, sida dhaar.. oohin.. markaati been ah oo aan jirin... IWM

Qofka beenaalaha ah waxyaabo cajiib ah oo adan ka fialan karin ayuu isku dayaa in uu isku badbaadiyo, marka hadii qofka mar marsiyo dheeraada ah aad ka dareento, shakigaada weli sidiisa ha u taagnaado oo si sahal ah ha ku aaminin.

Waano..

Iska ilaali qofka beenaalaha ah. Hadii uu dareenkiisa ama waxyaabo kale been kaaga sheego, si sahal ah ha ku aaminin, waana in aad ka taxadartaa wixii qofkaasi ay kaala dhexeeyaan.


Hadii aad qof uga shakisan tahay in uu been kuu sheegay, iska ilaali, si fiican u dhageyso kuna sameey tijaabooyin badan iyo baaaritaan badan oo aad ku ogaaneyso in qofkaani beenaale yahay ama runloow yahay.

Weligaa qofka ha ku eedeyn in uu been kuu sheegay ama kuu sheegaayo, waxaa kaliya oo haboon in ka taxadarto, hadii aad qofkaasi wax cad ku heysana, taasi waa sheeko kale, laakin ogoow in ay jiran dad wanaagaada jecel oo maad ahaan been waxyaabo kaftan ku dheehn kuugu sheegay laakin micnaheedu aysan aheyn in ay dhaawac kuu geystaan.
#1 By pnsh 5 August 2009 15:06
asc mahad sanid nasiixadaan waa fiican tahay anaa baroobaynaayo qof aa been igu waalay skksksks thns all bully
» User Group: Guests | Joined: -- | Posts: 0 | Comments: 0  
#2 By jamac yare 1 October 2009 20:58
thanks abou this bro runtii waa sheko loobahan yahay ..wana kaga mahad naqeynaa ..
» User Group: Members | Joined: 22.09.2009 | Posts: 0 | Comments: 7  
#3 By ishwaq 18 November 2009 18:01
a/s/c walahi waa arin ad iga qos lisay runtii wad na ku ma had san tahay walaaaaaaaaaaaaaalo
» User Group: Guests | Joined: -- | Posts: 0 | Comments: 0  
#4 By muxudiin 1 July 2010 10:33
ascm walaal yaal waa idasalamy

[/color][color=#FF0000]
[u][/u][b][/b][right][/right][center][/c
enter] am [hide][/hide]
» User Group: Guests | Joined: -- | Posts: 0 | Comments: 0  
#5 By C/qadar nuur maxamud (dajiye) 2 July 2011 17:30
Wan idin salmay dhaman aqyarta musuliyinta idaacada kulmis wana qodob aad iyo aad u wanaksan cqadar2011@hotmail.com
» User Group: Guests | Joined: -- | Posts: 0 | Comments: 0  

Leave Your Comments

Name:
E-Mail:
Comments:
coming soon