Kulmis Media » Articles » Tips » 5ta shey ee bilaashka ah ee qofka windows OS isticmaalo u baahan yahay.



Listen song 5ta shey ee bilaashka ah ee qofka windows OS isticmaalo u baahan yahay.
Author
admin
Comments
Comments (2)
Views
Views: 3532
Date
6-08-2009, 07:35
Posted in: Articles » Tips

5ta shey ee bilaashka ah ee qofka windows OS isticmaalo u baahan yahay.

Waa 5 "Windows XP software" oo bilaashka ah, qofka Windows OS isticmaalo u baahan yahay. Waa caan, waana bilaash! Laakin ma loogu talo gelin qofta aqoontiisa komputer ay yar tahay ama xadidan tahay.
Hadii aad isticmaasho Windows, waxaa laga yaabaa in aad hore u soo dejisay qaar ka mid ah Programyadan ku shaqeeya Windows oo bilaash ah, (Opensource) laakin weli ma is weydiisay hadii ay ka tayo wanaagsan yihiin prograamyada qaaliga ah qarkood? Suaashaas iyo jawaabteeda adiga ayaa laguu daayey. Laakin hadii aadan hore u arag prograamyadaaan, Waxaa haboon in aad tijaabiso.

1 - FileZilla FTP Client Hadii aad leedahay website sida Kulmis.com, Filezilla si weyn ayuu kuu caawin karaa, qaas ahaan markii aad websiteka dib u habeyn ku sameyneyso sida gelinta filal, heeso ama gelida bogaga aad sameysay. Hadii adan laheyn, waxaa iska diiwaan gelin kartaa shirkadaha websiteyada sida bilaashka ahna ku bixiya websiteyada, sida blogspot.com.. ama riiix meeshaan si aad qaar ka mid ah u hesho
Free webhosting guids

2 - VirtualBox Waa prograam loogu talo galay dadka aqoonta wanaagsan u leh computerada. Komputerkaada ayaa uga digi kartaa prograamkaan konputero badan oo ilaa 30 gaaraaya, laakin dahsoon. Weli ma isticmaashey prograam kuu sahlaahaya in aad down msn messenger isku furto sida aMSN?. Si la mid ah ayuu programkaan kuu sahlaayaa in aad dowr komputer isku furto adigoo isticmaalaaya hal komputer.

3 - OpenOffice.org Waxa uu u shaqeeyaa sida Microsoft Office word ama exel etc, laakin waa bilaash. Waraaqaha aad qoreyso oo daabacaad u baahan, xisaab xir sameyn, qorida CV, qorida buug iyo dhamaan wixii la mid ah oo aad ka heli karto Microsoft Office ayaa si bilaah ah uga heli kartaa OpenOffice.org

4 - Windows Essentials Media Codec Pack Weli internetka ma ka soo dejisay film, laakiin filinkaasi ma kuu daarmi waayey? Hadii ay sheekadani hore kuu soo martay ama aad jeceshahay in aad ka hortagto si aysan kuu soo marin, waxaa u baahan tahay prograamkaan. Prograamkaan waxaa ku furi karaa 99% heesaha ama aflaanta aad ka soo dejisay internetka. Hadii aad u baahan tahay media player tayo fiican leh, soo deji VLC Media Player ama Media Player Classic ka dibna macsalaamo dheh ciladaha aad kala kulmi karto in ay kuu daarmi waayaan aflaanta ama musiga aad internetka ka soo dejisato!

5 - 7-Zip Ma isticmaashaa Winrar ama winzip oo labadoodaba aan bilaash aheyn? Hadii jawaabtaada haa tahay waxaa u baahan tahay 7-zip oo ka tayo wanaagsan misna bilaash ah waxaana ku furi kartaa dhamaan prograamyadaan; ARJ, CAB, CHM, CPIO, DEB, DMG, HFS, ISO, LZH, LZMA, MSI, NSIS, RAR, RPM, UDF, WIM, XAR and Z. Hadii 7-zip kuugu cusub yahay, waxaa loo isticmaalaa in lagu furo prograamyo culeykooda la yareeyey oo internetka laga soo dejisto, sida aflaanta oo badanaa lagu yareeyo .RAR.
#1 By Faizal A Athan 20 September 2009 15:52
Asc wr wb aad baan idiinku mahadnaqayaa Bahda kulmis waxaanan leeyahay Ciid mubaarak Kulu caam wa antu bikhayr
» User Group: Guests | Joined: -- | Posts: 0 | Comments: 0  
#2 By gerz 14 November 2011 01:45
thanks for the news wink
» User Group: Members | Joined: 13.11.2011 | Posts: 0 | Comments: 1  

Leave Your Comments

Name:
E-Mail:
Comments:
coming soon