Kulmis Media » fanaaniinta



fanaaniinta

Ma tahay Fanaan..

Mana jeceshahay in heesahaada caalamka laga dhageysto oo magacaada iyo heybadaada fanaanimo kor u sii kacdo, Hadaba hadii jawaabta haa tahay, Kulmis Media waxuu kaa saacidaa sidii aad heesahaada cusub iyo kuwii horeba caalamka u gaarsiin laheyd.

Hadii aa tahay fanaan codkiisa tijaabinaayo, si la mid ah kulmis Media gacmo furan ayuu kuugu soo dhaweynaayaa. Meesha aad ka bilaabi karto hadii ad tahay Fanaan cusub waa Musiga Instrumentals ee uu noo soo garaacey HashimYare.

Kulmis Media waa website ujeedadiisu tahay in Soomaalida ayagoo heshiis ah, qabiil iyo siyaasad ama mid diin ahaanba isku takooreyn in ay si wada jir ah ugu kulmaan halkaan oo ay ka helaan madadaalo. Fanaanka Soomaaliyeedna waxa uu ka qaadan karaa qeyb weyn isku keenida Soomaalida ama dadka jecel Suugaanta Soomaaliyeed.

Fadlan ka qeyb qaado dadaalkaan, kuna soo hagaaji Heesahaada nooc kasta oo ay yihiin maamulka kulmis, emailkana waa ezmacil@gmail.com. Noo soo sheeg faahfaahinta heesaha, sida magacada hadii aad qaadey ama fanaanka qaadeyba, Heesta ama heesaha magac yadooda iwm.

Waxaa ku soo diri kartaa heesaha format kasta sida mp3, mp4, wav, rm, iwm. Hadii aad u baahan tahay Saacidaad, fadlan emailka kor ku qoran nagala soo xiriir.


Maamulka Kulmis Media

Utrecht - The Netherlands