Heesaha Gulled Ahmed Adamo iyo Albumka Somali ha is Raacdo
Heesaha Gulled Ahmed Adamo iyo Albumka Somali ha is Raacdo iyo heeso kale
1 Soomaaloo is Raacdo
2 Dhahar 2
3 Kow Labo Kow
4 Rajo-cvt
5 Dhahar
Waxaan kuugu riyooday
Ama raajicinayaa
Raxmadii ilaah iyo
Nabadood ku raagto
Oo runtii dalkeygow rugtaadi
Loo riyaaqoo raaxo loo tago
Waxaan rajaynayaa
Soomaaloo Israacdo
Waxaan Rajaynayaa
Riyadeydoo Rumowdo
Waxaan rajaynayaa
Nabad iyo Raaxo
(somali ha is raacdo
meel kastoo ay joogaan)
Madfac Roorayaabaa
Kala reebay umadee
Ehelkiyo rafiiqaba
Ruuga loo godayaa
Oo rayadka iyo birmagaydo
Bii'em lagu ridoo
Ruuxna loo turin
Waxaan rajaynayaa
Soomaaloo Israacdo
Waxaan Rajaynayaa
Riyadeyda Rumowdo
Waxaan rajaynayaa
Nabad iyo Raaxo